#UPDATE Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo maanta ka hadlayay masjidka Madaxtooyada, ayaa sheegay in Dastuurka la ansixin doono, oo aan cidna loo joojin doonin, dhinacyada kasoo horjeedana ay dano leeyihiin.
MW Xassan ayaa sheegay in doorashada 2026-ka hadda arrimaheeda la dhameynayo, oo aan hadhaw laga hadleynin, haddii siyaasiintu ay hadda diidaana uusan doorashada waqtigeeda kuqaban doonin, taasna ay mushkilad tahay.
Madaxdii hore iyo Dhinacyada kasoo horjeeda dastuurka ayuu sheegay in aysan indhahoodu arkeyn guulaha laga gaaray dagaalka Argagixisada, aysana ciidanka dhiirigalineyn, Horumarka deyncafinta, Cunaqabateynta la qaaday iyo dhammaan horumarka aysan arkin, oo kaliya siyaasadaas u muuqato.
Comments
Post a Comment