Kumanaan ciidan iyo saraakiil soomaaliyeed 

 Kumanaan ciidan iyo saraakiil soomaaliyeed ah ayuu cadowgu naga dilay, waligaa ma aragtay dowladeenna oo la barooraneeysa, guryahooda ugu tageeysa agoontii ay ka shahiideen Jeneral Farxaan Qaroole, Jeneral Shataqeey, Shaah Macabe, Xasan Tuure, Suulnuuge, Cilmi Hagar iyo saraakiishii kale ee halyeeyadeenna ahaa ?



Hal maalin waxaa Cowsweyne nalooga dilay boqlaal halyeey, waligaa ma aragtay iyada oo ilmahooda tacsi loogu tagayo? 


Dhacdadooyinkii Ceel-lahelay, Galcad, Maxaas, Ceel qooxle, Ruun-Nirgood, Daaru,nicma, Caad, waligaa ma aragtay dowladdeenna oo daamanka ka dhunkaneeysa caruurtii ay ka shahiideen? xataa tacsi u direeysa?


Farqiga keenaya inuu nin Imaaraatis ah uu intaas oo dhan ka miisaan cuslaado, madaxweynuhu uu hal habeen 4 qoraal oo saddex luuqadood ku baxayo ka qoro, wasiirku u safro, calanka hoos loo dhigo, madaxweynuhu aqalka safiirka Imaaraatka tago (hadde xafiiska safaaradda ma ahane ogoow waa aqalka safiirka) oo labo kursi la isku ag-dhigo sidii labbo shaqsi oo siman, MUSIIBO-QARAN lagu tilmaamo, farqiga ma fahamtay ? maxaa u fahamtay?


Intaas oo dhan marka la sameeynayo marxuumad Luul hilibkeeda oo bislaaday ayay muddo Bil ah ku jiryaa qaboojiyaha digfeer cadaaladna ma helin.


Ilmaha imaaraatku kama aabe fiicna kuwii saraakiisheenna shahiiday ee waa maal iyo manfac badanyihiin.

Comments